Digniino ku saabsan Cimiladda ireland
Hay’adda Met Éireann ayaa soo saartay digniin ku aadan cimiladda ireland maadaama heerkulku la filayo inuu gaaro 29°C toddobaadka soo socda.
Mowjad kuleyl ah ayaa laga yaabaa inay soo wajahdo dalka, iyadoo heerkulku la filayo inuu si weyn kor ugu kaco maalmaha soo socda.
Inta badan cimiladda ireland waa mid roobaan balse bilaha Juun iyo Juulaayo waa kuwa aad u kulul bulshadduna sameeyaan isku soo bax balaaran oo ay camiraan xeebaha dalka ireland.
Bulshada Soomaaliyeed oo heegan ugu jira roobka oo xili walba iska imaan kara ayaan uga digeynaa in ay xidhaan jaakadaha qafiifka ah si aysan u saameeyn kuleelka daran oo sababi kara in qataro caafimahad ka dhashaan sida in wadno garaacu siyaado ama maqaarka jirku saameeyn ku yeeshaan cimiladda.
Gunaanudka waa in aad ku dadaashid marsashadda kareemadda loogu tala galay qoraxda ama loo garan ogyahay Sun cream Af-ka qalaad.
Abdifatah Sablaale
