Ireland oo noqotay dalka ugu qaalisan nolosha Yurub

0
Dublin Ireland

Ireland ayaa noqotay dalka ugu qaalisan Midowga Yurub marka laga eego guryaha, adeegyada caafimaadka, khamriga, iyo korontada

Qiimaha badeecadaha iyo adeegyada ayaa ka badan celceliska Midowga Yurub in ka badan saddex meelood meel.

Ireland ayaa hadda noqotay dalka ugu qaalisan Midowga Yurub marka loo eego qiimaha guryaha, kharashaadka caafimaadka, khamriga, iyo korontada.

Tirokoob cusub oo ay soo saartay hay’adda tirakoobka Midowga Yurub (Eurostat) ayaa muujinaya in marka la eego badeecooyin iyo adeegyo caadi ah, Ireland ay tahay dalka labaad ee ugu qaalisan 27-ka waddan ee xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Guud ahaan, qiimaha nolosha ee Ireland wuxuu ka sarreeyaa celceliska Midowga Yurub 36%, waxaana ka horreeya oo keliya Denmark marka la eego waddamada ugu qaalisan Yurub.

Natiijooyinkan cusub ee Eurostat ayaa soo baxay xilli qiimayaashu ay sii kordhayaan, gaar ahaan kuwa cuntada, tamarta, iyo kirada guryaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *