Maxaa lagu soo kordhiyey baasaboorka irishka.
Eyga Irish ka ee caan ku yihiin Ee Wolfhound ayaa lagu daabici doona baasaboorka cusub ee Ireland, kaddib la-tashi dadweyne oo ay ka qaybqaateen 15,000 oo qof.
Baasaboorka cusub oo dib loo naqshadeeyay ayaa la daahfuray maanta oo Jimcaha, waxaana soo bandhigtay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ireland, Helen McEntee. Dowladda Ireland ayaa ku tilmaantay inuu yahay “mid ka mid ah dukumeentiyada safarka ee ugu casrisan dunida.”
Sawirrada iyo farshaxanka ku jira baasaboorka cusub waxaa dhiirrigeliyay dhaxalka, taariikhda, iyo dhaqanka Ireland, iyadoo naqshadaha la doortay ay dadweynuhu codkooda ku soo xusheen intii lagu jiray la-tashi qaran oo dalka oo dhan laga sameeyay.
