Maxay tahay sababta aadan baahi u dareemin xiliyadda Kuleelaha
Sida ay sheegeen qubaradda caafimahadka, xog aruurin la sameeyey ayaa cadeeyneysa in qofku uusan dareemin baahi badan xiliyadda kuleelaha marka la bar bardhigo xiliyadda qaboobaha ee winter-ka, dhulalka reer galbeedka.
Waxaa la sheegay sababaha ka danbeeya in qofku uusan dareemin baahi badan ama yaraato dareenka ah in uu wax cuno ayaa keeneysa in maskaxdu dirto fariimo u dhigma in aysan baahiba jirin iyada oo maskaxdu diideeyso in sara kac kuyimaado kuleelka gudaha jirka bin aadamka.
Si ay dheef-shiid kiimikaadku (metabolism-ka) iyo hawlo kale oo badan oo jidhka ah si sax ah ugu shaqeeyaan, jidhku waa inuu ilaaliyaa heerkul gudaha ah oo celcelis ahaan ah 37°C. Heerkulka jidhka waxaa si adag u xakameeya qaybta maskaxda ee loo yaqaan xarunta xakamaynta heerkulka, taas oo ah hypothalamus.
Warbixintaan waxaan kasoo turjumnay RTE
